Guddoomiye ka tirsan maamulka Puntland oo la maxkamadeynayo.

Cabdullaahi-Faarax-Beyle

Dacwo ku saabsan musuqmaasuq oo loo haysto guddoomiyaha deegaanka Xarfo ee gobolka Mudug, Cabdullaahi Faarax Beyle ayaa maanta ka furmaysa maxkamadda maamulka Puntland ee magaalada Garoowe.

Ku-xigeenka xeer-ilaaliyaha maamulka Puntland, Maxamed Xareed ayaa u sheegay Bar-kulan in guddoomiyaha loo haysto inuu ku lug leeyahay lunsasho raashin dowladda Turkigu ay horraantii sanadkan ugu deeqday danyarta deegaanka Xarfo.

Maxamed Xareed ayaa tilmaamay in haddii guddoomiyaha lagu helo dambiga lagu eedaynayo uu mutaysan doono xabsi adag iyo ganaax, sida ay dhigayaan qodobbada 241 iyo 250 ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed.

Ciidamada maamulka Puntland ayaa maalmo ka hor xiray guddoomiye Beyle, kaddib markii ay soo if-baxeen warar sheegaya in la lunsaday raashin loogu deeqay dadka saboolka ah ee ku nool Xarfo.

Madaxweynaha maamulka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali oo horay u ballan-qaaday inuu la-dagaallami doono musuqmaasuqa ayaa markii ay deeqdaasi gaartay Puntland meel fagaare ah ugu hanjabay inay ciqaab adag muteysan doonto cid kasta oo ku xadgudubta howlaha gargaarka.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post