Home.Warka

Saddex qof oo ku dhaawacantay qaraxii Muqdisho ka dhacay.

Like Tweet Pin it Share Share Email

Qaraxa-suuqa-bakaaraha

Saddex qof ayaa ku dhaawacantay qarax loo adeegsaday gaari laga buuxiyay waxyaabaha qarxa oo maanta ka dhacay dhabarka dambe ee hoteelka Maka Al-Mukarama ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho. 

Dad goob-joogeyaal ah ayaa  sheegay in askari ka mid ah ilaalada hoteelka uu ku jiro dadka dhaawacmay.

Lama oga cidda lala beegsanayay qaraxa, iyadoo firirkiisa uu gaaray dhul ballaaran. 

Taliyaha ciidamada booliiska degmada Hodan ee magaalada Muqdisho Maxamed Daahir oo la hadlay Bar-kulan ayaa sheegay inay daba-gal ku hayaan ciddii ka dambaysay qaraxa, isaga oo intaas ku daray in kooxihii qaraxaas soo maleegay aanay gaarin u jeeddadii ay la damacsanaayeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka ayaa isla markiiba gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay, waxayna xireen jidadka ka ag dhow hoteelka Maka Al-Mukarama.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *