Home.Warka

Meydka Tubeec oo lagu wado in maanta la geeyo Muqdisho.

Like Tweet Pin it Share Share Email

Tubeec_Legend

Waxaa la filayaa in goor dhow Muqdisho la geeyo meydka fannaankii weynaa, Maxamed Suleymaan Tubeec oo maalmo ka hor ku geeriyooday dalka Jarmalka.

Dadweyne badan iyo mas’uuliyiin ayaa lagu soo warramayaa inay ku sugan yihiin garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho, si ay uga qeyb-galaan aaska marxuumka.

Qaar ka tirsan waddooyinka Muqdisho, gaar ahaan kuwa garoonka diyaaradaha ayaa la xiray si loo adkeeyo ammaanka mas’uuliyiinta iyo dadweynaha ka qeyb-galaya aaska Tubeec.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa horey u shaacisay inay ugu talagashay in hab-maamuus qaran lagu aaso fannaanka.
Marxuumka ayaa lagu wadaa in lagu aasi doono qabuuraha Sheekh Suufi ee magaalada Muqdisho, kaddib salaadda Janaasada oo lagula tukan doono masjidka Isbahaysiga Islaamka, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *