Home.Warka

Tubeec oo la aasay.

Like Tweet Pin it Share Share Email

image

AUN Maxamed Suleymaan Tubeec ayaa maanta oo Axad ah lagu aasay magaalada Muqdisho.

Raysul wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa ka qeyb-galay aaska oo ka dhacay qabuuro ku yaalla dugsiga tababarka ciidanka booliska ee Jeneraalka Kaahiye.

Meydka marxuumka ayaa saaka laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, waxaana la socday qaar ka mid ah qoyska marxuumka.

Aaska waxaa sidoo kale ka qeyb-galay raysul wasaare ku xigeenka, ahna wasiirka diinta iyo awqaafta, Ridwaan Xirsi Maxamed, wasiirka warfaafinta Mustaf Cali Dhuxulow, wasiirka duulista hawada Siciid Qorsheel, wasiirka amniga qaranka, Cabdikariin Xuseen Guuleed, wasiir ku xigeenno, fannaaniin iyo dad kale.

image

Raysul wasaare Cabdiweli ayaa aaska kaddib u duceeyay fannaanka, wuxuuna Alle uga baryay inuu u dambi dhaafo, jannadiisana geeyo.

“Waxaan halkan tacsi uga dirayaa dhammaan shacabka iyo fannaaniinta Soomaalida ee uu ka baxay fannaankeenna qaaliga ah. Tubeec wuxuu ka mid ahaa fannaaniinta hal-doorka ah, wuxuuna caan ku ahaa dareen waddaniyadeed iyo wacyi-gelinta bulshada,” Cabdiweli Sheekh ayaa yiri.

Tubeec ayaa dhowr maalmood ka hor ku dhintay isbitaal ku yaalla dalka Jarmalka kaddib markii uu muddo xanuunsanaa.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *