Al-Shabaab Oo Sheegatay Dilka Col. Jaamac Af-Guduud.

alshabaab

Kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay dilka Taliyihii Ciidanka Daraawiishta Puntland ee Aaga Galgala Col. Jamac Saciid Warsame Af-guduud oo galabta weerar gaadmo ah lagu dilay.

Afhayeenka Kooxda Al-Shabaab Cali Dheere oo la hadley Warbaahinta Al-Shabaab ayaa sheegay iney iyagu ka dambeeyeen weerarka oo uu sheegey inuu ahaa mid qorsheysnaa.

Dawladda Puntland ayaan wali ka hadal dilka Taliyaha.

Col. Af-guduud ayaa dagaalyahanada Al-shabaab ee Buuralayda Gal-gala iyo Deegaamada gobolka bari la galay dagaalo qadhaadh oo uu ku jebiyay.

Sarkaalka ayaa la sheegay inuu  hore uga badbaaday isku dayo dil oo ay Kooxda Al-shabaab u qorshaysay.

Hase ahaatee galabta gelinkii dambe ayaa dablay hubaysan jidgooyo ugu galeen meel 20KM u jirta Magaalada Boosaaso.

Dhacdadan ayaa hadii ay dhabowdo inay Al-shabaab fulisay libin siinaysa kuwa ka dagaalama Deegaamada Puntland ee kooxda ku xidhan, kuwaasoo ay saddex maalmood ka hor uun dawladda Maraykanku lacag ku baafisay hogaamiyahooda.

Share this post

Post Comment