Ciidanka dowladda oo dhoollatus ku sameeyay Dhuusamarreeb.

Dhoollatus-ciidan-V

Ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta iyagoo wata gaadiidka dagaalka waxay dhoollatus ku sameeyeen xero ciidan oo ku taalla magaalada Dhuusamarreeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Gaashaanle sare Salaad Maxamed Rooble oo ah taliyaha ciidanka dowladda ee gobolka Galgaduud ayaa Bar-kulan u sheegay inay ciidankooda u diyaargaroobeen howlgal milateri oo gobolka looga xorreynayo kooxda Al-Shabaab.

Ciidanka ayaa dhoollatuska ku sameeyay xerada ciidanka 21-aad ee magaalada Dhuusamarreeb.

Taliyaha ayaa sheegay inay garanayaan goobaha ay kooxda Al-Shabaab ka joogto gobolka, isagoo intaas raaciyay inay farriimo ka helaan shacabka ku nool qaar ka tirsan deegaannada ay ku sugan tahay kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ciidanka dowladda ka codsanaya inay ka dul qaadaan dhibaatooyinka ay kala kulmaan Al-Shabaab.

Gaashaanle sare Salaad Rooble ayaa ku boorriyay shacabka gobolka inay ka gacan siiyaan ciidanka qaranka sidii looga adkaan lahaa Al-Shabaab.

Share this post

Post Comment