Home.Warka

Gaalkacyo oo heshay gaarigii ugu horreeyay oo dab-damis ah.

Like Tweet Pin it Share Share Email

Dab-damis

Ganacsatada waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa ku deeqday gaari dab-damis ah, kaas oo lagu wareejiyey dowladda hoose ee Gaalkacyo ee maamulka Puntland.

Cumar-dheere oo ka mid ah ganacsatada ku deeqday gaariga ayaa sheegay in markii ay arkeen baahida loo qabo gaadiid lagu damiyo dabka ay go’aansadeen inay iibiyaan gaariga.

Duqa magaalada Gaalkacyo ee maamulka Puntland, Axmed Cali Salaad ayaa sheegay inuu gaariga qeyb weyn ka qaadan doono yaraynta khasaaraha ka dhasha dab mararka qaar ka kaca magaalada, wuxuuna u mahad-celiyey ganacsatada ku deeqday.

Dadweynaha Gaalkacyo ayaa soo dhoweeyey gaariga loo adeegsan doono daminta dabka, waxayna tilmaameen inuusan ku filnayn magaalada.

Waa gaarigii ugu horreeyey ee dab-damis ah ee loogu deeqo waqooyiga magaalada Gaalkacyo oo marar badan uu ka kacay dab sababay khasaare baaxad leh.

Xigasho Barkulan .

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *