Garoowe: 8 Al-Shabaab ah oo min 20 sano lagu xukumay.

xukun-300x192

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee gobolka Nugaal ayaa maanta xukun ku ridday 8 nin oo lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Xeer-ilaaliyaha maxkamadda ciidanka ee gobolka Nugaal Cabdikariin Firdhiye oo la hadlay Radio Garoowe ayaa sheegay in maxkamadda maanta oo Isniin ah ay xukun min 20 sano oo xarig ah ku ridday raggaasi.

Waxaa la rumeysan yahay in rag ka tirsan Al-Shabaab ay weli ku dhuumaaleysanayaan buuraleyda Galgala.

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa dhowaan sheegay in uu maamulkiisu ku filan yahay in uu la dagaallamo Al-Shabaab, balse waxa uu sheegay in ay u baahan yihiin taageero caalami ah.

Share this post

Post Comment