Shir caalami ah oo ku saabsan wax-soo-saarka Soomaaliya oo ka furmay Dubai.

SOPEC

Shir caalami ah oo ku saabsan horumarinta wax-soo-saarka Soomaaliya sida xoolaha, beeraha iyo kalluunka ayaa maanta oo Isniin ah ka furmay magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan beeraha ee FAO oo ka mid ah hay’adaha shirka soo qaban-qaabiyey ayaa sheegay in ujeeddada shirku tahay in hay’adaha caalamiga ah ee dhinaca dhaqaalaha iyo ganacsatada dunida loo bandhigo wax-soo-saarka Soomaalida.

Shirka oo ay goob-joog ka yihiin xubno ka tirsan dowladda federaalka iyo maamullada Soomaaliya ka jira ayaa lagu wadaa inuu dhiirri-gelin u noqdo maalgashiga lagu sameynayo wax-soo-saarka xoolaha, beeraha iyo kalluumeysiga Soomaaliya.

Hay’adaha soo qaban-qaabiyey shirka ayaa sheegay in waxyaabaha ay dhoofiyaan ganacsatada Soomaalida ah sida xoolaha iyo muuska sanadihii ugu dambeeyey ay aad  u kordheen,  loona baahan yahay in loo helo suuq-geyn muhiim ah.

Ganacsato Soomaalida oo ka qeyb-galaysa shirka ayaa  sheegay inay ku rajo weyn yihiin in shirku noqon doono mid sanadle ah si loo dhiirri-galiyo wax-soo-saarka Soomaaliya.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post