Home.Warka

Taliyihii Ciidanka Daraawiishta Puntland ee Aaga Galgala oo lagu dilay Qarax Miino.

Like Tweet Pin it Share Share Email

Afguduud-400x234

Wararka naga soo gaaraya magaalada Bosaaso ayaa sheegaaya in galabnimadii maanta (Isniin) qarax miino lala beegsaday gaari ay wateen Ciidanka Difaaca Puntland.

Qaraxa ayaa ka dhashey khasaare dhimasho iyo dhaawac, waxaana ku geeriyooday Taliyihii Ciidanka Daraawiishta Puntland ee aaga Galgala Col. Jaamac Siciid Warsame (Afgudud).

Taliyaha ayaa dhaawac culus kasoo gaaray qaraxa, waxaana markii dambe uu ku geeriyooday isbitaalka Bosaaso oo dhaawac ahaan loo soo gaarsiiyey, sida ay sheegaayan wararka.

Warar kale oo aan la hubin ayaa sheegaaya in taliyaha toogasho lagu dilay.

Weerarka ayaa u muuqday mid gaadmo ah, waxaana taliyaha uu ka ambabaxay magaalada Bosaaso isagoo kusii jeeday aaga Galgala sida la sheegay.

Sidoo kale qaraxa waxaa ku dhaawacmay ilaa saddex askari oo la saarnayd gaariga oo qaraxa lagula beegsaday duleedka magaalada Bosaaso gaar ahaan aaga tuulada Yalho.

Dowladda Puntland ayaan weli ka hadal dhacdadaan iyadoo aan la ogeyn cidda ka dambeysay qaraxaan balse loo badinaayo kooxda ku jirta Buuralayda Galgala oo ay Ciidamada Puntland marar badan dagaalameen.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *