Dhaqaale loo codsanayo masjid laga dhisayo Laascaanood.

vlcsnap-2014-03-19-03h29m03s62

Culimada ku nool degmada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa codsanaya in gacan laga geysto dhismaha masjid la qorsheynayo inuu noqdo kan ugu weyn degmada oo maanta la dhagax-dhigay.

Sheekh Aadan-Weli Cabdi Xuseen oo ah guddoomiyaha guddiga dhismaha masjidka ayaa sheegay in qarashka ku baxaya dhismaha ay ku qiimeeyeen labo boqol oo kun oo doollar ($200,000 USD), balse qarashka ay hayaan uu aad u kooban yahay marka loo eego baahida jirta.

Cali Cabdi Xaashi oo ka mid ah ganacsatada Laascaanood ayaa sheegay inay masjidka ku taageerayaan awooddooda, isagoo jaaliyadda dibadda ugu baaqay inay gacan ka geystaan.

Share this post

Post Comment