Home.Warka

Madaxweyne Xasan oo booqday dhaawacyadii qaraxii Buulo-burte.

Like Tweet Pin it Share Share Email

Madaxweynaha_oo_booqday_dhaawacyo_1

Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta isbitaalka Xalane ee magaalada Muqdisho ku booqday askartii ku dhaawacantay qaraxii xalay ka dhacay degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha oo booqashada kaddib ka war-bixiyay xaaladdii uu ku arkay dhaawacyada ayaa sheegay inay xaaladdooda ka soo reyneyso, in kastoo uu xusay inay jiraan askar qabta dhaawacyo halis ah.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dibadda caafimaad ugu qaadi doonto dadka dhaawaca ah ee ay xaaladdoodu daran tahay.

Wuxuu shacabka u soo jeediyay in ay dowladda gacan ka siiyaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, si guul loo gaaro.

Askarta dhaawaca ah ayaa isugu jira ciidamada dowladda Soomaaliya iyo ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

Madaxweynaha_oo_booqday_dhaawacyo_4

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *