Muungaab oo saldhigyada booliska u jeediyay inay ka amar-qaataan maamulka.

Muungaab-300x226

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa sheegay in saldhigyada ku yaalla degmooyinka gobolka looga baahan yahay inay ka amar qaataan maamulka degmada ay ku yaallaan.

Muungaab oo ka qeyb galay kulan ka dhacay degmada Wadajir oo ay ka qeyb galeen xubno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, waxgarad iyo qaar ka tirsan guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay doonayaan in la helo ciidan boolis iyo nabad-sugid ah u hoos taga maamulka gobolka.

Wuxuu tilmaamay in uu maamulku doonayo in uu xoojiyo barnaamijkii darisaynta, isagoo xusay in loo baahan yahay shacabka degmooyinka in ay la shaqeeyaan ciidamada iyo maamullada degmooyinka.

Guddoomiyaha degmada Wadajir Axmed Xasan Caddow  (Daaci) ayaa sheegay in maamulka gobolka iyo dowladda dhexe la doonayo in ay si weyn uga qeyb qaataan sugidda 

Share this post

Post Comment