Qarax loo adeegsaday gaari oo ka dhacay Buulo-burte, 7 ayaa ku dhimatay.

image

Qarax loo adeegsaday gaari iyo weerar xigay ayaa saaka ka dhacay degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan, waxaana ku dhimatay toddobo qof, afar kalena waa ay ku dhaawacantay.

Dad dhintay waxaa ku jira abaanduulihii guutada 10-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ee gobolka Hiiraan, Kornayl Maxamed Aamiin, afar askari oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka iyo saddex askari oo ka tirsanaa ciidanka dalka Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Qaraxa ayaa loo adeegsaday gaari nooca xaajiyadda loo yaqaanno oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, wuxuuna ka dhacay afaafka hore ee hoteelka Camalow. Maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab ayaa qaraxa kaddib waxay rasaas xooggan is-waydaarsadeen ciidanka dowladda ee ku sugnaa hoteelka afaafkiisa.

Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda federaalka  ayaa sheegay inay weerarka ku dileen dhowr iyo toban ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab ee ku lugta lahayd weerarka.

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ayaa Khamiistii la soo dhaafay ka qabsaday maleeshiyada Al-Shabaab magaalada Buulo-burte.

Magaalada waxay 200 km dhinaca waqooyi uga beegan tahay magaalada Muqdisho. AMISOM ayaa guul wayn ku tilmaamtay qabsashadeeda maadaama ay saldhig u ahayd boqollaal ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post