Home.Warka

60-jir ka yimid Norway ayaa isku qarxiyay Buulo-burte, Al-Shabaab ayaa tiri.

Like Tweet Pin it Share Share Email

Al-Shabaab-III

Kooxda Al-Shabaab ayaa shaacisay is-miidaamiyihii ka dambeeyay qaraxii gaariga loo adeegsaday ee aroortii Isniinta ka dhacay hoteel caan ah oo ku yaalla magaalada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan. 

Cabdullaahi Axmed Cabdulle oo da’diisu ay ahayd 60-jir, kana yimid dalka Norway ayaa ka dambeeyay qaraxa lagu bar-tilmaameedsaday hoteelka Camalow oo ay ku sugnaayeen ciidamo isugu jira kuwa dowladda Soomaaliya iyo kuwa dalka Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM. 

Afhayeenka howlgallada milateriga Al-Shabaab  Cabdicasiis Abu Muscab ayaa sheegay inuu is-miidaamiyaha uga yimid Norway si uu ula dagaallamo cadowga Allah.

Dhowr askari oo isugu jira Soomaali iyo Jabuutiyaan ayaa ku dhintay weerarka.

Weerarka kooxda Al-Shabaab ay ka geysatay Buulo-burte ayaa ah kii ugu dambeeyay ee kooxda ay fulisay iyadoo ka aargudaneysa howgalka cusub ee ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku doonayaan inay ku ciribtiraan kooxda, kagana saaraan meelaha ay uga sugan tahay dalka. 

Ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM oo dagaal kula jira Al-Shabaab ayaa toddobaadkii la soo dhaafay kala wareegay kooxda gacan ku haynta magaalada muhiimka ah ee Buulo-burte.

Xigasho Barkulan . 

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *