94 Soomaali ah oo lagu eedeeyay inay si sharci darro ah ku joogeen Kenya.

Cali-Ameeriko-qaxooti-Soomaali

In ka badan 90 qof oo Soomaali ah oo ay ku jiraan haween iyo carruur ayaa Talaadadii shalay la soo taagay maxkamad ku taalla magaalo yar oo ku taalla gobolka xeebta leh ee Kenya.

Maxkamadda magaalada Kwale ayaa ku eedeysay dadka inaanay haysan dukumeentiyo sharci ah oo lagu joogi karo Kenya.

Maxkamadda ayaa sii deysay 43 carruur ah oo ka mid ahaa dadka la xiray, halka 21 kale ay beeniyeen eedda loo jeediyay, waxaana lagu hayn doonaa xabsiga ilaa May 2 xilligaas oo dacwaddooda la dhageysan doono.

Inta hartay ayaa qirtay eedda loo jeediyay, waxayna maxkamadda ku ganaaxday in mid kasta oo ayaga ka mid ah uu bixiyo lacag dhan Ksh40,000 ama inay galaan xabsi lix bilood ah kaddibna loo masaafuriyo dalkooda.

Hase yeeshee, qareen u doodayay dadka Soomaalida ah oo lagu magacaabo Daudi Abdul ayaa sheegay in qaar ka tirsan dadka ay haystaan dukumeentiyo sharci ah.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post