Britian oo soo dhoweysay howlgalka milateri ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

 

image

Dowladda Britain ayaa soo dhoweysay howlgalka milateri ee ay wadaan ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo AMISOM ee la doonayo in dalka looga sifeeyo maleeshiyada Al-Shabaab.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska xog-hayaha Britian u qaabilsan arrimaha Afrika, Mark Simonds ayaa lagu sheegay in dowladda Britain ay ku faraxsan tahay howlgalka Soomaaliya looga sifeynayo Al-Shabaab.

Howlgalka ayay ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM waxay ku qabsadeen magaalooyin ku yaalla bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya, oo ay horey ugu sugnayd kooxda Al-Shabaab.

Mark Simonds ayaa intaas ku daray in Al-Shabaab ay tahay koox argagixiso oo khatar ku ah xasilloonida iyo horumarka gobolka Geeska Afrika.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dowladda Britain ay sii wadi doonto taageerada ay siiso ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, si looga guuleysto maleeshiyada.

Wuxuu ku boorriyey ciidamada is-baheysanaya inay sii wadaan dagaalka ay ku tir-tirayaan maleeshiyada Al-Shabaab.

 

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post