Dowlada Australia oo sheegtay in ay Heleen qeybo ka mid ah Diyaraaradii Malaysia.

Malaysia-Airlines5

Warar hada soo dhacay ayaa sheegaya in la helay  jajab loomaleenayo in uu yahay  Diyaarada la weeysanaa ee Malaysia Airlines .

Dowlada Australia Ayaa sheegtay in ay Heleen Raqdii diyaaradaas  , jajabka Diyaaradaas ayaa Wuxuu sheegay R/wasaaraha Australia in laga helay badweeynta Indian Ocean .

Ra’iisalwsasaaraha  ayaa sheegay in waxyaabo loo malaynayo inay qeyb ka yihiin diyaaradda 13-ka maalmood la la’yahay la arkay.

Tony Abbott ayaa sheegay in dayax gacmeed lagu arkay oona lagu aqoonsaday waxyaabahaas.

Australia ayaa qeyb ka ah dadaallada caalamiga ah oo lagu baadigoobayo diyaaradda dhowr iyo tobanka maalmood maqan.

Diyaaradda la la’yahay ee Malaysia laga lahaa ayaa luntay kadiib markii ay ka soo dhaqaaqday Kuala Lumpur oo ay ku socotay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha.

Ugu yaraan 26 dal ayaa qeyb ka ah baaritaanka lagu baadigoobaya diyaaradda.

Hasa ahaatee, Abbott waxaa uu ka digay inay adagtahay in la soo helo waxyaabahaas, amaba ay noqdaan kuwa aan xirir la lahayn diyaaradda maqan.

 

La soco Faafiye.com wixii war oo soo kordha.

Share this post

Post Comment