Soomaaliya iyo China oo kala saxiixday heshiis iskaashi.

Soomaaliya iyo China oo kala saxiixday heshiis iskaashi.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta heshiis dhanka iskaashiga iyo horumarinta ah magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya kulan saxiixday danjiraha China u fadhiya Kenya.

Heshiiska oo ka dhacay xarunta safaaradda Soomaalida ee dalka Kenya ayaa waxaa goobjoog ka ahaa danjireyaasha Soomaaliya iyo China u fadhiya Nairobi.

Danjiraha Soomaaliya ee Kenya Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) ayaa warbaahinta u sheegay in dowladda China ay Soomaaliya u fidin doonto taageero caalami ah oo dhanka dib-u-dhiska iyo horumarinta ah, isagoo xusay in uu jiro xiriir dheer oo u dhexeeya labada dal.

Safiirka ayaa intaas ku daray in wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumadda Soomaaliya iyo danjiraha China ay ka wada hadleen arrimaha Soomaaliya.

Wasiirka ayaa lagu wadaa inuu berri la kulmo dhiggiisa dalka Kenya, Aamina Maxamed.

Share this post

Post Comment