Labo qof oo lagu toogtay Buulo-burte.

Dagaal culus oo ka socda Buulobarde

Ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee ku sugan degmada Buulo-burte ayaa toogasho ku dilay labo qof oo midkood la sheegay in uu bambo-gacmeed ku tuuray askar howlo baaritaanno ah wadday.

Bambada ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen labo askari iyo qof rayid ah oo goobta marayay.

Sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda  ayaa sheegay in labada qof ee la toogtay ay ahaayeen labo nin oo dhallinyaro ah oo saarnaa gaari ay ciidamada baarayeen.

Wuxuu sheegay in ay ciidamada gacanta ku hayaan aabbaha dhalay mid ka mid ah ragga la toogtay ee bambada ku tuuray ciidamada dowladda.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post