Maraykanka Iyo Ruushka Oo Midba Midka Kale Cuno-Qabateyn Ku Soo Rogay.

hi-obama-putin

Maraykanka iyo Ruushka ayaa midba midka kale cuno-qabateyn ku soo rogay, ka dib markii ay isku fahmi waayeen muranka Gobolka Crimea ee biiray Ruushka.

Bayaano laga soo saaray labada aqal ee loog arimiyo labada dal ayaa lagu sheegay in midba midka kale xayiraad ku soo roogay saameyntiisa dhaqaale iyo siyaasaddeed ee labada waddan.

Arrintan ayaa ka dambeysay ka dib markii Madaxweyne Obama Khamiistii digmiin kama dambeys ah u diray dhigiisa Rushka Valdemir Puttin.

Ruushka ayaa dalkiisa ka madnuucay inay soo galaan sagaal sarkaal oo ka socda Maraykanka kuwaasoo kala ah afhayeen John A. Boehner oo ka mida xubnaha sinateka ugu jira Democratic , Senator John McCain oo laga soo dooro Arizona, iyo waliba xubin sare oo aqalka cad ka socda.

Madaxweynaha Maraykanka Brack Obama ayaa sheegay inay cadaadis dhaqaale saarayaan Dalka Maraykanka, kaasoo ay waddamada reer Galbeedku isku waafaqsanyihiin.

“Maraykanku waxa maanta uu qaadayaa talaabo sidii uu ugu soo rogi lahaa qarash dheeraad ah oo ku saabsan Russia, Kuwaasi waa doorashooyinka dhan in dowladda Ruush ayaa ka dhigay, doorashooyin in la diiday in bulshada caalamku.”

Obama ayaa intaasi ku daray in Shirkaddaha Tamarta ka soo dhoofiya Russia lacag dheeraad ah la saarayo, isla markaana ay suurto galba noqon karto in la joojiyo, iyadoo hab caalamiya loo waajahayo.

Hase ahaatee Afhayeen u hadlay Madaxweynaha Russia ayaa sheegay inaan la aqbali Karin cuno-qabateyn dhaqaale oo lagu soo rogo Ruushka, waxaanu intaasi ku daray inay taa bedelkeeda Moscow qaadanayso talaaabo cawaaqibkeeda leh.

Ruushka ayaa ku hanjabay inuu dhimayo dhaqaalaha uu siiyo wadamada xulafada Maraykan la ah, sida Koonfurta afrika iyo waddamo kale.

Labada waddan ee adduunka ugu quwada badan ayaa u muuqda kuwo haatan si cad isu muquuninaya oo midba midka kale doonayo inaanu debecsanaan u muujin.

Dalalka kale ee caalamka ayaa si weyn isha ugu haya xaaladaha isbedelaya ee ka socda dalka Ukraine iyo awoodaha kala taageersan dhinacyada dalkaasi u kala go’ay.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post