Home.Warka

Ragga Kenya oo haween badan guursan kara.

Like Tweet Pin it Share Share Email

akuku1

Barlamaanka dalka Kenya ayaa waxa ay meel mariyeen sharci cusub oo u ogolaanayo ragga in ay dumar badan guursan karaan.

Barlamaanka ayaa dood kaddib waxa uu isku waafaqay in ragga ay xaasas badan yeelan karaan iyadoo la tixgalinayo diimaha.

Xilligii hore waxaa Kenya ka jiray sharci ah in ragga ay hal xaas ah ay yeelan karaan, haddii ay u baahdaanna in ay xaas kale guursadaana waxa ay aheyd in ay la tashtaan xaaskooda.

Balse xildhibaanada ragga ah ee ku jira barlamaanka ayaa isku waafaqay in sharcigaas meesha laga saaro oo ninka aanu u baahneyn in uu la tashto xaaskiisa.

Balse dhaqan ahaan waxay sheegeen in mudnaanta koobaad la siinayo xaaska koobaad.

30 kamid ah 69 xildhibaan ee dumarka ay ku leeyihiin barlamaanka Kenya oo ka koobadn 349 ayaa dooda ka qeyb galay, laakiin ragga ayaa adeegsaday aqlabiyadooda oo sidaa waxay ku ansixiyeen sharciga cusub.

Xildhibaan Junet Moxammed, oo ah xildhibaan laga soo doorto magaalada Migori oo ka mid ahaa mudanayaashii sharcigan aqbalay ayaa sheegay in la doonayo in dumarka Afrika ay ogaadaan marka iyaga la guursanayo ay xaasas kale lala guursan doono.

Balse dumarka xildhibaanada ah ayaa ku doodayo in go’aankan uu saameynayo dhammaan qoysaska, oo ay ka mid tahay in dhaqaalaha ay dumar kale la wadaagaan.

Qorshahan ay barlamaanka Kenya isku raaceen waxaa ka mid ah in la mamnuuco qarashka la siin jiray gabdhaha la doontay ee hadana la guursan waayay.

Barlamaanka ayaa sidoo kale diiday inay aqbalaan qorshe dhigayay in gabar iyo wiil ay ku heshiin karaan inay wada noolaadaan mudo lix bilood ah kaddibna ay kala tagaan.

Sharcigan cusub ee guurka ayaa la dhaqan galin karaa markii uu saxiixo madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *