Home.Warka

Ra’iisul wasaaraha oo la kulmay wasiirka arrimaha dibadda Switzerland.

Like Tweet Pin it Share Share Email

Raysal-wasaaraha-Soomaaliya-swiss

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta magaalada Berne ee dalka Switzerland kulan kula yeeshay wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaas, Yves Rossier.

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay xiriirka labada dal, amniga Soomaaliya iyo howlgallada dalka ka socda ee ka dhanka ah al-Shabaab.

Ra’iisul wasaaraha ayaa wasiirka arrimaha dibadda ee Switzerland u sheegay sida ay dowladdiisa uga go’an tahay inay kobciso dhaqaalaha, in Soomaaliya ay ka soo kabato dib-u-dhaca gaaray, dibna loo dhiso dalka.

Wuxuu sheegay in xukuumadda ay dagaal adag kula jirto al-Shabaab oo uu xusay inay sheeganeyso inay difaaceyso Islaamka, balse dhibaato ku ah diinta, dhaqanka iyo dhaqaalaha, isagoo intaas ku daray inay dowladda ka go’an tahay in la soo wado la dagaallanka al-Shabaab inta laga ciribtirayo.

Wasiirka arrimaha dibadda Switzerland, Yves Rossier ayaa dhinaciisa ballan-qaaday in dowladda Swiss ay Soomaaliya ka caawin doonto dhinaca farsamada, sidoo kalena ay eegayaan haddii kaalmo bini’aadannimo la gaarsiin karo goobaha laga xoreeyay al-Shabaab.

Rossier ayaa sheegay in xoojin doono xiriirka diblumaasiyadeed ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Switzerland, isagoo xusay in markii ugu horreysay muddo 30 sano ah ay safiir u magacaabeen Soomaaliya.

 

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *