Suunka Dhexda Lagu Adkeeyo Oo La Ogaaday In Laga Qaado Kansarka Cunaha.

Suunka Dhexda Lagu Adkeeyo

Khuburo u dhalatay dalka Scotland, ayaa iftiimisay in suunka surwaalka lagu xidho oo la isku adkeeya uu sababo kansarka ku dhaca cunaha, isla markanaa uu sahaydo nolosha rag badan oo caalamka ku nool.

Khuburadan oo daraasad caafimaad arrintaa ka soo saartay waxay digniin ka soo saareen suunka in la isku adkeeyo, sababtoo waxay tilmaameen in arrintan laga qaado kansarka la yidhaa Oesophageal Cancer oo cunaha ku dhaca.

 Cilmi-baadhistan oo ay sameeyeen Jaamacadaha Glasgow iyo Strathyclde Universtiy iyo cisbitaalka Southern General Hospital ee dalka Scotland ayaa la rumaysan yahay in arrintan ay khatar ugu sii jiraan dadka buur buuran amma miisaanka jidhkoodu halis yahay.

Daraasadan oo ay ka qaybqaateen 24 qof oo aan lahayn cudurkan amma aan taariikhba ku lahayn inay cudurkan qadaan, ayaa la ogaaday qaar badan oo ka mid ah markii ay suunka isku adkeeyeen inay ka qaadeen kansarka ku dhaca cunaha.

 Dadkan baadhitaanka lagu sameeyey qof kasta waxa laga codsaday inuu liqo qalab badhaaya in cudurkan hayo iyo in kael, waxaana natiijadii ka soo baxday noqotay in dadka suunka isku giijiyey halis ugu jiraan xannuunka kansarka, gaar ahaan ka ku dhaca hab-dhiska dheef mareenka oo dadka u diida inay dhuuni dhuunta mariyaan.

 Prof. Kenneth McColl oo ka tirsan jaamacadd Glasgow oo hoggaaminaayey cilmi-baadhistan ayaa sheegay in suunka la isku adkeeya, gaar ahaan dadka miisaanka jidhkoodu culus yahay isku adkeeyaan ay ka qataan cudurro badan oo ay ka mid yihiin kelyo xannuun, kansarka cunaha iyo mindhiciraha oo nabar ku samaysmo.

 Waxa dhaawac suunka la isku adkeeya sababa in mindhicuruhu dhaawacmaan, calooshana boog lagu yeesho iyo waliba kansarka cunaha ku dhaca, waana in dadku arrinta ka taxadiraan, ayuu yidhi Prof. McCol

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post