Mucjiso lagu arkay Hargeysa, Mataano 25 jir ah balse la moodo 60 jir, luuqad u gooni ahna ku hadla.

image

Waxaa deegaanka lagu magacaabo Arabsiiyo ee ku yaal galbeedka magaalada Hargeysa lagu arkay arin mucjiso ah islamarkaana dad aad u badan la yaabeen.

Wariyaal socdaal ku tagay halkaasi ayaa waxay la kulmeen Laba hablood oo mataano ah misane jira 25-sano hase ahaatee la moodo inay ka weyn yihiin.

Hablahaan ayaa iskula hadla Afka iyaga u gaar ah, walibana u dhawaq eg midka shimbirta.

Hooyada dhashay gabdhahaan waxay sheegtay in iyaga oo shan sano jira ay ku aragtay arimo mucjiso ah, sida in maskaxdooda ay isla shaqeynayso.

image

Hadii mid ka mid ah ay damacdo in xaaqin ama nadiifiye soo qaadato mida kalena wey soo qaadan oo isku maskax camal ayeey u wada shaqeeyaan.

Tusaale midaan ayaa dooni hadal inay tiraado tan kalena wey fahmi hadalka lasoo wado inta aanu afka kasoo bixin.

Gabdhahaan waxay ka dhasheen qoys sabool ah oo aan waxba haysan, waxaana Luqada u gaarka ah ee gabdhahaan ku hadlaan kaliya fahmi kara hooyadii dhashay.

 

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post