Home.Warka

Ugaas caan ahaa oo lagu dilay Kismaayo.

Like Tweet Pin it Share Share Email

Ugaas-Hafow-250x300

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in galabta la dilay nin ugaas ahaa oo lagu magacaabi jiray Ugaas Maxamed Xuseen Hafoow.

Goobjooge ayaa usheegay in rag bistoolado ku hubeysan ay ugaaska ku dileen bartamaha suuqa Dallacaadda ee xaafadda Calanley, kaddibna ay baxsadeen.

Ciidamada maamulka kumeel-gaarka ah ee Jubba, oo gaaray goobta ayaa baaritaanno bilaabay.

Ugaasku wuxuu ahaa nin caan ka ahaa magalaada Kismaanyo.

Lama oga sababta iyo cidda ka dambeysa dilka ugaaska.

Ugaas ayaa wuxuu ka mid ahaa odayaashii dhaqanka ee wax ka soo dhisay maamulka kumeel-gaarka ah ee Jubba.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *