11 Al-Shabaab ahaa oo lagu dilay duleedka Ceelbuur.

Howlgalka-MadiinaII-300x199

Ciidamada huwanta ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa sheegay inay dileen 11 qof oo ka tirsanaa Al-Shabaab oo weerar gaadmo ah ku soo qaaday ciidamada oo ku sugnaa waqooyiga degmadda Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Galgaduud Cabdixakiim Cabdullaahi Warsame oo waraysi siiyay Bar-kulan ayaa u xaqiijiyay in aysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray ciidamada huwanta ah oo ku sugan inta u dhaxaysa tuulooyinka Ceel-qooxle iyo Ceel Maxamuud oo hoos taga Ceelbuur.

Cabdixakiim ayaa sheegay in ay ciidamadu ku sii jeedaan degmada Ceelbuur oo la sheegay inay isaga baxday Al-Shabaab.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa dhowaan la wareegay degmooyin iyo deegaanno muhiim ah oo ay Al-Shabaab uga sugneyd gobollada Hiiraan, Bakool iyo Gedo.

Share this post

Post Comment