Ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM oo qabsaday Ceelbuur.

wwx

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa ka qabsaday kooxda Al-Shabaab degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Galgaduud, Cabdixakiin Cabdullaahi Warsame ayaa  xaqiijiyay inay ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM la wareegeen gacan ku haynta magaalada Ceelbuur.

Magaalada Ceelbuur oo 375 km dhinaca waqooyi ka xigta caasimadda Muqdisho ayaa ahayd xarun ay ku xoogganayd kooxda Al-Shabaab.

Ciidanka huwanta ah ayaa dagaal la’aan kula wareegay kaddib markii maleeshiyada Al-Shabaab ee ku sugnayd magaalada ay carartay.

Ciidanka ayaa ka wada magaalada howlgal ay ku xaqiijinayaan ammaanka, sida uu sheegay Cabdixakiin.

Cabdixakiin ayaa intaas raaciyay inay dhowaan magaalada gaarsiin doonaan gargaar bini’aadannimo oo loo qeybin doono dadka deegaanka.

Maleeshiyada Al-Shabaab ee ka baxday magaalada ayaa la sheegay iay gaartay deegaannada Gal-hareeri iyo Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Share this post

Post Comment