Kenya oo ku amartay qaxootiga Soomaalida inay ka baxaan magaalooyinka.

Joseph-ole-Lenku

Dowladda Kenya ayaa mar kale amar ku bixisay in qaxootiga ku sugan magaalooyinka dalkeedu ay tagaan xeryaha qaxootiga.

Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Kenya, Joseph Ole Lenku ayaa ku sheegay qoraal uu soo saaray in dadka qaxootiga ahi ay u hoggaansamaan dalabka dowladda.

Ole Lenku ayaa intaas ku daray in ciddii aan u hoggaansamin amarkan ay kula macaamilayaan sharciga u degsan Kenya.

Wasiirka ayaa tallaabada ku micneeyey in Kenya ay ku adkaynayso ammaanka magaalooyinka dalkeeda, ayna uga hortagayso falal amni darro oo uga yimaada maleeshiyada Al-Shabaab oo doonaysa inay Kenya ka aargudato faragalinta milateri ee ay ku sameysay Soomaaliya.

Kooxaha u ololeeya xuquuqda aadanaha ayaa hore u cambaareeyey cadaadiska Kenya ay qaxootiga ku saartay inay ku noqdaan dalkooda iyo inay tagaan xeryaha qaxootiga.

Dad tiradooda lagu qiyaasay in ka badan nus malyuun qaxooti Soomaaliyeed ah ayaa ku nool xeryaha qaxootiga iyo magaalooyinka dalka Kenya.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post