Home.Warka

Maxamed Xaaji Cabdinuur oo loo doortay madaxweynaha Koonfur-Galbeed Soomaaliya.

Like Tweet Pin it Share Share Email

Maxamed-Xaaji-II

Madaxweynaha maamulka saddexda gobol ee Koonfur-Galbeed Soomaaliya ayaa maanta lagu doortay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Maxamed Xaaji Cabdinuur ayaa lagu dhawaaqay inuu yahay madaxweynaha cusub ee ku guuleystay doorashada ka dhacday hoteelka Bakiin ee magaalada Baydhabo, halkaas oo muddooyinkii ugu dambeeyay uu ka socday shir la rabay in maamul loogu sameeyo gobollada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Ibraahim Nuur Xasan oo ahaa musharraxa kaliya ee la tartamayay madaxweynaha la doortay ayaa ka haray tartanka.

Waxaa goobta ku sugnayd 743 ergo oo ka kala yimid gobollada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose, waxaana madaxweynaha cusub dooratay 726 qof, 12 waa ay ka aamuseen  halka shan ay codkooda u diideen madaxweynaha cusub.

Maxamed Xaaji ayaa uga mahad-celiyay ergada asaga dooratay, wuxuna ballanqaaday inuu si caddaalad ah u shaqeyn doono.

Wuxuu ka codsaday dowladd federaalka, maamul-goboleedyada dalka ka dhisan iyo dalalka deriska la ah Soomaaliya inay taageeraan maamulkiisa.

Doorashadiisa ayaa imaanaysa xilli horey magaalada Baydhabo looga dhawaaqay maamul ka kooban lix gobol oo uu madaxweyne u yahay Madoobe Nuunow.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *