Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray Baydhabo.

image

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Wasiirro iyo xildhibaanno ayaa qeyb ka ahaa wafdiga madaxweyne Xasan Sheekh ee gaaray magaalada Baydhabo.

Ammaanka magaalada ayaa si aad ah loo adkeeyay.

Rabshado ayaa toddobaadyadii ugu dambeeyay ka dhacay magaalada, kuwaas oo u dhaxeeya taageerayaasha labo maamul oo dhowaan looga dhawaaqay magaalada.

Madaxweynaha ayaa inta uu joogo magaalada Baydhabo la filayaa inuu kulamo la qaato mas’uuliyiinta gobolka, saraakiisha ciidanka, odayaasha dhaqanka iyo ururada bulshada.

Waa safarkii labaad ee uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku tego magaalada Baydhabo tan iyo markii uu xilka qabtay dabayaaqadii 2012.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post