Home.Warka

Shirkadaha korontada Burco oo ku midoobay hal shirkad.

Like Tweet Pin it Share Share Email

 

image

Shirkadaha ganacsiga korontada ee magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa ku midoobay hal shirkad oo kaliya.

Shirkadaha Kaah, Beder, City Plaza iyo Somtel ayaa la magac baxay Whole Electric Company ( WHECO), sida uu sheegay maareeyaha shirkadda, Khadar Jibriil oo tilmaamay inay u midoobeen sidii ay magaalada u siin lahaayeen dab ammaan ah,  qiimihiisu jaban yahay, lehna tayo iyo adeeg wanaagsan.

Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan midowga shirkadaha korontada ayaa iyaguna sheegay in ay dhimi doonaan kala bar qiimaha korontada ee xilligan.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Somaliland, ganacsato iyo dadweyne ka hadlay goobta ayaa iyaguna ka codsaday shirkadda in ujeeddada midowgu aysan noqon mid keenta sicir barar dhinaca korontada ah, taas oo mas’uuliyiinta shirkaduhu ay ballanqaadeen inaysan dhici doonin.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *