Booliska Galmudug oo qabtay nin looga shakiyay Al-Shabaabnimo.

alshabaab

Booliska maamulka Galmudug ee magaalada Gaalkacyo ayaa howlgal lagu adkaynayey amniga ku soo qabtay nin lagu tuhmayo inuu ka tirsan yahay maleeshiyada Al-Shabaab.

Taliyaha qeybta booliska gobolka Mudug ee maamulka Galmudug, Maxamed Nuur Cali Gadaar ayaa  sheegay  in ninka laga soo qabtay duleedka Gaalkacyo, kaddib markii ay ka war heleen inuu ku sugan yahay halka laga soo qabtay.

Gadaar ayaa intaas ku daray in eedaysanaha oo  ku xiran saldhigga booliska, baaritaan kaddib loo gudbin doono maxkamadda.

Wuxuu kaloo sheegay in booliska Gaalkacyo ee Galmudug uu dib xorriyaddooda u siiyey saddex qof oo midkood dumar yahay oo loo qabtay tuhun ku saabsanaa inay ka tirsan yihiin maleeshiyada Al-Shabaab, kuwaas oo baaritaan lagu sameeyey lagu ogaaday inaysan raad ku lahayn kooxda.

Maamullada gobollada dhexe ee dalka ayaa dadaal ugu jira sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen firxadka maleeshiyada Al-Shabaab ee ka soo yaacaysa dagaallada ka dhanka ah ee ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ka wadaan dalka.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post