Home.Warka

Ugu Yaraan Shan Qof Oo Ku Dhintay Qaraxyo Caawa Ka Dhacay Nairobi.

Like Tweet Pin it Share Share Email

Qarax Nairobi

Ugu yaraan Shan qof ayaa ku dhimatay, tiro kalena way ku dhaawacmeen qaraxyo dhawr ah oo caawa  ka dhacay xaafada Islii ee magaalada Nairobi.

Xarunta Howlgalka Qaran ee Musiibooyinka ayaa sidaa soo dhigtay barteeda rasmiga ah ee ay ku leeyihiin Twitter-ka.

Booliska iyo kooxaha badbaadada ayaa gaaray goobta.

Wareiye ka tirsan BBC-da oo goobtaasi jooga ayaa sheegay  in gawaarida ambalaaska ay halkaa dhaawacyo ka qaadeen.

Ilaa iyo haatan lama oga waxa sababay qaraxaaasi.

Booliska ayaa sheegay inay  wadaan baaritaano kaddibna ay saxaafada usoo gudbin doonaan waxa sababay qaraxa.

Qaraxii ugu dambeeyay ee ka dhaca Nairobi waxaa uu Axadii ka dhacay xaafada Pangani oo aan sidaa uga fogeyn xaafada Islii, booliskana waxa ay sheegeen in uu ku dhintay qaraxaasi qof isku xiray walxaha qarxa.

Qaraxa hore ayaa loo xidh-xidhay dad badan oo Soomaali ah maalimihii la soo dhaafay, kuwaasoo dhalinyaro u badan.

Kooxda Al-shabaab ayaa weeraro argagixiso hore uga fulisay Magaalada Nairobi ee caasimada Kenya.

Weerar khasaare badan geystay ayaa sanadkii hore lagu qaaday hudheel ku yaala Magaalada oo Westgate la yidhaahdo.

Alshabaab ayaa sheegatay weerarkaasi oo ajaanib badan lagu laayay, Hudheelkana qaybo ka mida lagu haystay.

Al-shabaab ayaa weerarada gudaha Kenya bilowday markii Ciidamaddeedu ku soo biireen hawl-galka Amisom.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *