Home.Warka

Baarlamaanka oo diiday inay dekedda Muqdisho maamusho shirkad Turkey ah.

Like Tweet Pin it Share Share Email

image

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay ka soo horjeestay in maamulka dekedda weyn ee magaalada Muqdisho lagu wareejiyo shirkad laga leeyahay dalka Turkey.

Baarlammaanka oo shalay Muqdisho ku yeeshay kulankii 5-aad ee kalfadhiga 4-aad ayaa soo saaray go’aan ka kooban 4 qodob oo ku wajahan arrimaha dekedda Muqdisho.

Qodobbada ayaa dhigaya; in aysan xukuumaddu wareejin maamulka dekedda inta laga xaqiijinayo sida uu heshiisku u waafaqsan yahay sharciga dalka, in ay xukuumaddu baarlamaanka horkeento heshiiska, in aan shaqada laga joojin danyarta Soomaaliyeed ee ka shaqaysta dekedda iyo in la wada ilaaliyo shuruucda dalka.

Xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya ayaa shirkad laga leeyahay dalka Turkiga la gashay heshiis ay ku maamusho howlaha dekedda weyn ee magaalada Muqdisho.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *