Home.Warka

Madaxweynaha Koonfur-Galbeed 3 oo aqoonsi ka codsaday dowladda Soomaaliya.

Like Tweet Pin it Share Share Email

image

Maxamed Xaaji Cabdinuur oo dhowaan loo doortay madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed ee ka kooban gobollada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose ayaa ka codsaday dowladda federaalka Soomaaliya inay aqoonsato maamulkiisa. 

Maxamed Xaaji ayaa codsiga ka jeediyay kulan uu maanta kula qaatay magaalada Baydhabo guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari. 

Wuxuu si gaar ah uga codsaday guddoomiyaha baarlamaanka inuu gacan ka geysto wax ka qabashada amni xumada ka jirta magaalada Baydhabo.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *