Home.Warka

Maraykanka oo Afghanistan ka soo baxaya.

Like Tweet Pin it Share Share Email

image

Madaxweyne Barack Obama ayaa uga digay dhiggiisa dalka Afghanistan in ciidammadiisa uu kala soo bixi doono dalka Afghanistan marka uu dhamaado sanadka 2014-ka.

Obama ayaa warkan u gudbiyay madaxweyne Xaamid Karzai mar uu kula hadlayay telefoonka.

Maraykanka ayaa shardi ka dhigay inay qasab tahay in la saxiixo heshiiskan ka hor inta aanay la soo bixin ciidammada ka jooga Afghanistan, si qaarkood ay halkaas ugu haraan.

Ciidammada Maraykanka iyo kuwa NATO ayaa ku sugan dalka Afghanistan tan iyo sanadki 2001-dii xilligaas oo ay awoodda ka tuureen xukunkii ururka Taliban.

Heshiiska ammaanka

Xiriirka u dhexeeya Maraykanka iyo madaxweynaha Afghanistan ayaa sii xumanayay dhowrkii bilood ee la soo dhaafay.

Afhayeenka Aqalka cad, Jay Carney, ayaa sheegay iin wasaaradda difaaca ee Maraykanka ay diyaar u tahay wax kastoo suura gal ah.

Heshiiska Obama iyo Karzai ay ku muransan yihiin waxaa horey u saxiixay odayaasha qabaa’ilka Afghanistan ee loo yeqaano Loya Jirga.

Wuxuuna dhigayaa in NATO ay ciidamo halkaasi kaga haraan si ay tababar u siiyaan ciidamada Afghanstan ayna uga caawwiyaan la degaalanka Taliban.

Madaxweyne Xaamid Karzai ayaa sheegay inaan heshiiska la saxiixi karin ka hor intaan la billabin wadahadal nabadeed oo lala yeesho Taliban.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *