Nairobi: Soomaali garoon la isugu geeyay.

image

Boqolaal ruux oo Soomaali ah ayaa maalintii saddexaad ku sugan garoonka cayaaraha ee Kasarani halkaas oo ay ku xiran yihiin.

Dowladda Kenya ay sheegayso inay doonayso inay tallaabo ka qaaddo dadka sharci darrada ku jooga Kenya.

Waxay sheegtay in haatan ay goobtaas gaareen mas’uuliyiin ka socda waaxda socdaalka ee Kenya.

Waxay eegayaan warqadaha aqoonsiga ee dadku ay wataan, si ay u kala saaraan kuwa qaxootiga iyo kuwa kale.

Dadka aan sharciga haysan

Safiirka Soomaaliya u fadhiyo Kenya Maxamad Cali Amerika ayaa sheegay in dadka sharci darrada ku jooga Kenya dib loogu celin doono Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay inay jiraan dad uu ka dhacay dal ku galka ay Kenya ku joogeen.

Madaxweynaha Kenya ayaa horey u sheegay in dalkiisu sii wadi doonin martigelinta qaxootiga.

Dadka u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegayo in dadka loola dhaqmayo si baxsan bani’aadannimada.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post