Saraakiil Caddaan Ah Oo Lagu Dilay Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo.

image

Saraakiil cadaan ah oo u kala dhashay Faransiiska iyo Ingriiska ayaa goor dhoweyd lagu toogtay Garoonka Diyaaradaha C/llaahi Yusuf Axmed ee Magaaladda Gaalkacyo.

Goob jooge ku sugnaa Garoonka Diyaaradaha ayaa innoo Sheegay in Askari uu toogtay Saraakiishaan xilli ay ka soo dagteen Diyaarad ay saarnaayeen.

Mid ka mid ah Saraakii oo dhaawac soo gaaray ayaa goor dhoweyd geeyooday sida uu innoo xaqiijiyay Sarkaal Caafimaad oo ku sugan Gaalkacyo.

Saraakiishaan cadaanka ah ayaa ka tirsanaa Hay’adda UNODC waxaana ay u socdeen qorshe lagu dhisayay Garoonka Diyaaradaha C/llaahi Yusuf Axmed.

Askari dilka gaystay oo ka tirsanaa ilaaladda Garoonka Diyaaradaha ayaa la Sheegay innuu Maalmihii la soo dhaafay Neerfaha laga hayay oo Maanta uu Shaqada galay.

Ciidamadda Amaanka Puntland ee ilaaliya Garoonka Diyaaradaha C/llaahi Yusuf Axmed ayaa haatan gacanta ku haya Askariga Maskaxda looga jiro ee dilka gaystay.

Saraakiishaan ayaa doonayay innay Kullamo la yeeshaan Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) oo maanta Gaalkacyo soo gaaray.

Share this post

Post Comment