Home.Warka

Wasiirka arrimaha gudaha Kenya oo sheegay in la masaafurinayo Soomaalida aan sharciga haysanin.

Like Tweet Pin it Share Share Email

image

Wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre, safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) iyo qunsulka safaaradda Soomaalida ee Kenya Siyaad Maxamed Shire ayaa maanta la kulmay wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga ee dalka Kenya Joseph Ole Lenku.

Mas’uuliyiintan ayaa ka wada hadlay xaaladda Soomaalida ku nool magaalada Nairobi iyo howlgallo dhowaan ay ciidamada Kenya ka sameeyeen xaafadda Eastleigh oo lagu soo qabtay kumannaan Soomaali ah.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) oo qoraal soo dhigay bogga xiriirka bulshada ee Facebook ayaa sheegay in wasiirka arrimaha gudaha iyo Amniga ee dowladda Kenya uu u sheegay in la sii dayn doono Soomaalida dalka ku joogto sharciyada iyo dadka haysta sharciyada qaxootiga ee ay bixiso UNHCR.

Joseph Ole Lenku ayaa xusay in Soomaaliya dib loogu celin doono Soomaalida aan haysan wax dukumiinti caddeynaya in ay ku joogaan waddanka Kenya.

Ciidamada dowladda Kenya ayaa wada howlgallo ay ka samaynayaan xaafadda ay Soomaalidu ku badan tahay ee Eastleigh kaddib markii qaraxyo ay lix qof ku dhinteen uu toddobaadkii hore ka dhacay xaafadda.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *