Dowladda Soomaaliya oo taageero ka codsatay Imaaraadka.

image

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta ka codsatay inay gacan ka geysato dib-u-dhiska Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo maanta xafiiskiisa kula kulmay danjiraha dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta u qaabilsan Soomaaliya, Ambassador Mohamed Ahmed Osman Ahmed Alhammadi ayaa kala hadlay xiriirka labada dowladood.

Beyle ayaa Imaaraadka ku bogaadiyay taageerada ay siiso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed iyo sidoo kale mashaariicda ay ka waddo gobollada dalka.

Wuxuu ka codsaday in dowladda Imaaraadka ay si xooggan uga qeyb-qaadato dib-u-dhiska Soomaaliya iyo horumarinta hay’adaha dowladda.

Share this post

Post Comment