Home.Warka

Raysul wasaaraha Soomaaliya oo gaaray Kismaayo.

Like Tweet Pin it Share Share Email

image

Raysul wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Madaxweynaha maamulka KMG ah ee Jubba, Axmed Maxamed Islaan iyo xubno ka tirsan maamulkiisa ayaa raysul wasaaraha ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.

Raysul wasaaraha oo socdaalkiisa ku wehliyaan wasiir ku-xigeenno iyo xubno ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya, uu ka sheegay shir jaraaid oo uu Kismaayo ku qabtay, in uu kala hadli doono maamulka Jubba horumarinta adeegyada bulshada iyo ammaanka gobollada Jubbooyinka.

Madaxweynaha maamulka Jubba Axmed Madoobe, ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin booqashada raysul wasaaraha, isla markaana ay u gudbin doonaan xaaladda ka jirta deegaannada maamulka Jubba hoos-taga.

Waa booqashadii ugu horreysay ee raysul wasaare Cabdiweli Sheekh uu ku tego magaalada Kismaayo oo uu joogi doono seddexda maalin ee soo socota.

Booqashadiisa Kismaayo ayaa la sheegay inay qeyb ka tahay socdaallo uu maalmahan ku marayay qeybo ka tirsan gobollada dalka, isagoo horey u booqday magaalooyinka Jowhar iyo Buulo-burte.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *