Home.Warka

15 qof oo ku dhimatay shil ka dhacay waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Like Tweet Pin it Share Share Email

shil gaari afgooye

In ka badan 15 qof ayaa ku geeriyootay shil gaari oo maanta ka dhacay waddada isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Shilka oo ka dhacay waddo ku taalla deegaanka Garasbaalley ayaa yimid kaddib markii ay isku dhaceen labo gaari oo xammuul ah oo ay saarnaayeen dad rakaab ah.

Dhowr oo qof oo ku dhaawacantay shilka ayaa la geeyay isbitaallo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *