Sawiro: Cunug Yar Oo Ku Dhashay Afar Gacmood Iyo Afar Lugood Oo Dheeraad Ah.

4legs

Ilmahan yar ayaa xaaladiisa caafimaad ay wanaagsan tahay ka dib markii la dhigay Cusbitaal ku yaala gobolka Shiinaha ee Guangdong.

 Wiilkan yar oo jiray 13 – maalmood ayaa la filaayey inuu ku lamaan yahay mataan kale.

 Sidoo kale waxa miisaanka ilmahan yar oo lagu qiyaasay 3kg qalliinka ka hor.

 Dhakhaatiirta ayaa si guul leh ugu guulaystay inay ka saaraan xubnaha dheeraad ka ah, ilmahan yar oo ku dhashay afar gacmaha iyo afarta cagood .

 Ilmuhu wuxuu hadda ku jira xaalad deggan Cusbitaal ku yaala dalka Shiinaha gobolka Guangdong koonfurta muddo haatan Afar maalmood ah qaliinka ka dib.

Madaxa qaybta haweenka iyo daaweynta caruurta Dr.Yu Jiakang , ayaa yidhi : Waxay ahayd, inay noqon mataano , laakiin mid ka mid ah ayaa dib u dhacay, ‘ Ilmahan yar oo markii hore miisaankiisu ahaa 3Kg ayaa ka dib markii laga saaray dheeraadkii uu ku dhashay noqday 2kg .

Doctor dhalashadiisu ay tahay  hindiya mar uu ka waramayey parasitic twin kaasoo uu hore qaliin ugu sameeyey wuxuu ku qiyaasay madaxiisu inuu ahaa 1Kg.

 waxaanu intaas raaciyey in ilmahaasi oo magaciisa la odhan jiray Tofajjal, ay yar tahay cudurkaas oo kale oo loo yaqaan encephalomeningocele, kaasoo haleela 1 hal qof 40,000 illaa 45,000 kii kun ee caruur ahba. sidan oo kale ayey ugu dhacday ilma yar oo dhalashadiisu ahayd Pakistan laba sanno ka hor, mar uu ka hadlay doctor ka hawl-gala machadka Culuunta caafimaadka caruurta ee Karachi  ayaa yidhi  “dhalashada aan dhameyska tirnayn waxa sabab u ah cudurada hidaha ah ee loo yaqaan genetic disease kuwaas oo ku dhaca ama uu haleelo cudurkaasi Halkii millionba 1hal qof oo caruur ah”

4legs1

 Haddaba waa sidee qaabka mataanaha isku dhegsani ee loo yaqaan parasite twins?

Mataanaha sameysmaya marka ay hal unkun ahi ay qaybsanto inta lagu guda jiro bacrinta – sida kasoo horjeedkeeda laba ukumood labadooduba ay ku abuuranto.

Mataanaha isku midka ahi marka qaabkaasi uu ka sameysmayo unkunta ku guuldaraysato inay kaligeed gaar ay u iskutaagto si gooni ah, mataanaha wadajiraa way noolaan karaan, laakiin ma aha marka midiba mida kale ay nuugayso oo kale.

Maskaxda, Sanbabadda iyo wadnuhu waa qaybaha ugu danbeeya horumarinta jidhka, ka saarista xubnaha dheeraadka ku ah mataanaha Parasitic twins aad bay u fududa waanay ka dhib yar tahay ta isku dayga mataanaha goonida ah ee isku yaala .

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post