“Taleex Waa Degmo Somaliland Ka Mid Ah “Kornayl Cismaan.

somaliland .

Afhayeenka Ciidanka Qaranka Soamliland Kornayl Cismaan Cabdilahi Siciid oo maanta u warmaayey idaacada BBC-da ayaa sheegay in ciidmada Somaliland ay si buuxda ula wareegeen Gacan ku haynta Magaalada Taleex ee Gobalka Sool.

Af-hayeenka Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa carabka ku dhuftay in ay Taleex ka mid tahay Deegaamada Soamliland oo aanay qabsasho iyo xoog midna ku qabsanin.“Taleex waa degmo ka tirsan sool oo Somaliland ka mid ah, markaa cutub ka tirsan ciidanka qaranka ayaa gaadhay halkaas hab kormeer ah. meesha cadow iyo cid aanu ku duulnaa ma jiraan oo si caadi ah ayaanu ku tagnay waana nalagu soo dhaweeyey.” Ayuu yidhi Kornayl Cismaan Cabdilaahi.

Afhayeenka Ciidanka qaranka Somaliland ayaa Meesha ka Saaray inay dhaceen wax dagaal ahi, isagoo sida oo meesha ka saaray  in wax ciidan ah oo Khaatumo ka tirsani ay Halkaas markii hore joogeen, waxana uu yidhi, “wax dagaal iyo iska hor imaad dhacay midna ma jiraan, meeshana si nabadgelyo ayaanu ku tagnay, khaatumana meesha kumaanu ogayn oo hadda  ma joogin, maamul Fedel ah oo Halkaas joogayna ma jirin”

Afhayeenka ayaa intaas ku daray inay Ciidan ahaan diyaar u yihiin  inay Difaacaan Gardarro kasta oo lagu soo qaado Xuduuudaha  Somaliland, waxana uu yidhi “ciidanku xuduudaha oo dhan ayuu tegayaa, manay qabsane waa ciidan Goobihiisii tegay, diyaarna waanu u nahay inaanu  cid kasta oo dhulkayaga soo gardarraysata inaanu iska difaacno cidna duulimaad kuma nihin.”

Hadalkan Afhayeenka ayaa ku soo Aadaya Xilli ay Ciidanka qaranka Somaliland si Nabadgelyo ah ula wareegeen Gacan-ku-haynta Magaalada Istiraatiijiga ah ee Taleex oo muddo badan ka maqanayn Gacanta ciidanka.

Share this post

Post Comment