Somaliland 3 Gaadhi Oo Tikniko Ah Ka Qabsatay Khaatumo Iyo Indho-Sheel Oo Xalin Ku Sugan.

tikniko

Sida ay ku soo waramayaan wararkii u dambeeyay ee naga soo gaadhay Jiida Gobolka Sool, Ciidamada Somaliland ayaa saaka saddex gaadhi oo Gaashaaman labana ku qabsaday iyagoo bad qaba, midna ka gubay Maleeshiyaadka Maamulka Khaatumo ee Degmada Taleex.

Ciidamada Somaliland ayaa gelinkii hore ee Maanta si buuxda ula wareegay Magaalada Qadiimiga ah ee Taleex oo Saldhig u ahayd labadii sanadood ee ugu dambeeyay Maamulka la baxay khaatumo, kaddib markii ay aagag kala duwan Guluf kaga soo qaadeen.

Dad Goob-joogeyaal ah ayaa sheegay inaan wax dagaal ah oo dhicin, balse wakhti kooban ay Maleeshiyaadka Khaatumo iyo Milateriga Somaliland xabaddo isku rideen, iyagoo Masaafo fog isu jira “dagaal culus oo foolka fool ahi muu dhicin ee markii Ciidamadu meesha galeen ayaa xabaddo layskaga riday meello aad u kala fog”sidaasi waxa yidhi Siciid oo ku sugan Jiida Gobolka Sool.

Sidoo kale, warar is khilaafsan ayaa sheegay in ilaa saddex Ruux oo la aaminsanyahay inay ka tirsanaayeen Ciidanka Khaatumo dhaawacyo ka soo gaadheen is-rasaaseynta, waxaanay wararka aan helnay qaar sheegayaan in hal dagaalyahan ka dhintay Khaatumo.

Goob-joogeyaal kala duwan ayaa tibaaxo isku dhow ka bixiyay khasaaraha labada dhinac soo kala gaadhay “meesha weerar qorsheysanbaa lagu galay oo wax dagaal ahi kama dhicin, waxaana ciidanka hogaaminayay dad deegaanka u dhashay”ayuu yidhi sarkaal ka tirsan laamaha amaanka ee Gobolka Sool oo Laascaanood ku sugan.

“warar kala duwan oo aan ka helnay dad magaalada jooga, waxay sheegayaan in hal Nin ka dhintay Khaatumo, saddex gaadhina laba laga qabsaday midna la gubay”sidaasina waxa yidhi Wariye ku sugan Buuhoodle.

Waa side xaaladda Magaaladda Taleex caawa

Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Taleex ayaa waxa ay sheegayaan inay Magaaladu kala degentahay oo aan wax dhibaato ahi ka jirin.

Wararka ayaa intaasi ku daraya inay Ciidamada Somaliland fadhiisimo ka baxsan Magaaladda ku suganyihiin, inkasta oo gudaha Magaalada lafteeda amniga la adkeeyay.

Somaliland, Khaatumo iyo Puntland oo ka hadlay weerarka Taleex

Afhayeen u hadlay Ciidanka Somaliland ayaa BBC-da u sheegay inay si nabad-gelyo ah kula wareegeen Degmada Taleex iyo Deegaamo hoos yimaadda oo ah Dhulka Somaliland.

Sarkaalka ayaa intaasi ku daray inay dawladdiisu xaq u leedahay inay soo xidho xuduudka ay la wadaagto Maamulka kale ee Puntland, laakiinse wax faahfaahin ah kamuu bixin in khasaare ka soo gaadhay dhinacooda iyo dhanka kale toona weerarka saaka.

Wasiirka Madaxtooyada Khaatumo oo Warbaahinta Maamulkiisa la hadlay goor sii horaysay oo ay Ciidamada Somaliland ku sugnaayeen meel wax yar u jirta Taleex, ayaa gardaraysi qaawan ku tilmaamay dhaqdhaqaaqyada ciidan ee ay Somaliland ku eekeysay Magaalada Taleex.

Ninka u hadlay Khaatumo ayaa sheegay inay Bulshada Caalamka iyo Dawladda Federaalka ugu baaqayaan inay u dhug yeeshaan Gardarada Somaliland ku qabsanayso inta uga hadhsan Gobollada ay Khaatumo ugu abtiriyaan ee Sool, Sanaag iyo Buuhoodle.

Ugu dambeyna wuxuu ku hanjabay inay la jihaadayaan Xoog kasta oo kaga yimaada Somaliland “laakiinse wuxuu hadlay intaan laga qabsan Taleex”.

Geesta kale, Maamulka Puntland oo aan iyagu labada dhinac ee kala qabsaday Taleex ku jirin ayaa Somaliland ku eeddeeyay inay ku soo xad-gudbeen dhul Puntland leedahay, si kululna u cambaareeyay.

Wasiirka Warfaafinta ee Garoowe  Cabdiwali Xirsi Cabdulle oo Maanta Warbaahinta kula hadlay Gaalkacayo ayaa sheegay inay dagaal kala hortegayaan Ciidamada Somaliland ee qabsaday Taleex, isagoo tilmaamay inay dabada ka riixayaan Ciidanka Somaliland wuxuu ku sheegay Kooxda Al-shabaab xidhiidh kala dhexeeyo waa sida uu hadalka u dhigay.

Halkuu ku dambeeyay Maamulkii Khaatumo ee Taleex joogay

Madaxweynaha Maamulka la baxay khaatumo Maxamed  Yuusuf Jaamac (Indhosheel) oo saaka arroornimadii ka baxay Taleex, ayaa wararkii u dambeeyay ee laga helay ay sheegayaan inuu ku suganyahay Deegaanka Xalin oo ilaa 55 Km dhinca Bari kaga beegan Magaaladda Taleex.

Inkasta oo warar mar sii horaysay aanu helnay tibaaxeen in Indho Sheel iyo xubnihii Maamulkiisa ee taleex ka baxay Maanta Degmada Saax-dheer joogeen, caawana gaadheen meesha la yidhaahdo Buuro-wadal, una gudbayaan saacadaha soo socda xagga Buuhoodle, hadana ilowareedyo kale oo lagu kalsoonyahay ayaa Gobanimo u sheegay in isaga iyo Maleeshiyaad uu hogaaminayaa joogaan Xalin oo laamiga dhinaca Waqooyi kaga beegan.

Ma cadda qorshaha indho-sheel iyo Maleeshiyaadkiisu, kaddib kala wareegida Xaruntii Maamulkiisa, waxa ay yeeli doonaan, mana jiraan ilaa hada dhaqdhaqaaqyo lagaga fili karo dib u soo rogaal celin dagaal oo uu ku qabsado taleex.

Khaatumo waa la fur-furay

Kooxda Khaatumo ayaa la sheegay inay muddooyinkii u dambeeyay soo waajahday kala yaac siyaasaddeed iyo ismaandhaaf dhexdooda ah.

Ciidanka Somaliland ee Taleex galay ayaa waxa hogaaminayay Masuul hore oo Khaatumo u qaabilsanaa Taleex, kaasoo dhawaan Somaliland heshiis la galay.

Geesta kale, Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa laga soo xigtay  in hogaamiyaha Ruuxiga ah ee Khaatumo  Dr. Cali Khaliif iyo Indho-dheel khilaaf soo kala dhex galay muddooyinka dambe.

Khilaafkaasi ayaa ka dhashay Shir Isimadda Deegaamada SSC laysku yidhaahdo uga socda Degmada Boocame, kaasoo Cali Khaliif ka soo horjeestay, laakiinse Indho-sheel iyo xubno kale oo ka mid ah Maamulkiisu soo dhaweeyeen.

Ismaandhaafka aragtiyaha Shirkaasi ku dhex maray hogaamiyeyaasha Khaatumo sababay inay liciifto istaraatiijiyadda Kooxda iyo qabanqaabada Shirkii la filayay inuu Taleex ka qabsoomo oo isuguna fashilmay mar hadii xaruntii gogoshiisu taalay la qabsaday.

Hanjabaadaha Somaliland iyo Puntland

Somaliland iyo Puntland ayaa laga cabsi qabaa inay isku waajahaan Khilaafkii hore ee la xidhiidhay dhanka Soohdinta, mar hadii ay meesha ka baxday difaacashadii Khaatumo ee aagaga ciidanka Somaliland ku sii fidayaan.

Hase ahaatee dani uguma jirto labada dhinac midna xiisad dhexdooda ka hurta oo Deegaamadaasi ka bilaabanta.

Bulshada ku dhaqan Degmada Taleex oo sanadkii hore dhamaadkiisii ay xasuuq u geysteen Ciidamo ka amar qaata Maamulka Puntland, kuwaasoo uu hogaaminayay Madaxweyne ku-xigeenkii hore Cabdisamad Cali Shire, ayaa walaac weyn ka muujinaya in dushooda dagaal ku dhex maro labada dhinac.

Share this post

Post Comment