Xasan Sh. Maxamuud: Dadka Reer Taleex Xaqbay U Leeyihiin Inay Tashadaan”

Xasandsh-300x200

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheikh Maxamuud ayaa si taxadar leh uga hadlay weerarkii shalay Ciidamada Somaliland ku qabsadeen Degmada Taleex ee Gobolka Sool.

Xasan Sheikh Maxamuud oo War soo saaray goor dhaweyd, ayaa ku baaqay inaan Dagaal Dhiig ku daataa ka dhicin halkaasi.

Degmada Taleex ayaa shalay lagala wareegay gacan ku haynta Degmada Taleex oo labadii sanadood ee ugu dambeeyay xarun u ahayd Maamulka la baxay Khaatumo, kaddib markii weerar aan dhiig ku daadan ay shalay gelinkii hore ku qaadeen.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa si taxadir ku jiro u soo jeediyay in xaaladda nabad-gelyo lagu soo dabaalo, islamarkaana dhinacyada meesha ku loolamayaa mar walba dhinaca wanaaga iyo wadahadal nabad ku dhaca fursad siiyaan.

Madaxweynaha ayaa yiri “Aad iyo aad bey noo dhibeysaa inaan arango dhiig hor leh oo ku daata si aan micno laheyn. Xaaladda waa in la dejiyaa oo ugu yaraan lagu soo celiyaa sidii ay aheyd maalmo ka hor inta aysan collaadaha cusub bilaaban si wadahalka iyo nabadeynta fursad loo siiyo”ayuu yiri.

 Laakiinse Xasan Sheikh wuxuu caddeeyay mawqifka Dawladdiisa ee arrinta Taleex ku waajahan. “Siyaasadda Dowladda ayaa ah in in Dadka deegaanka ay xaq u leeyihiin inay aayahooda ka tashadaan si loo gaaro marxalad aan caalamka kula tartami karno, isla markaana aan u istaagi karno sharafka iyo karaamada muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Taasna waxey ku imaan kartaa oo kaliya annagoo la nimaadna biseyl siyaasadeed, isu dulqaadasho iyo is tixgelin ku wajahan kala danbeyn iyo ilaalinta Amniga muwaaddinka”ayuu yiri.

Hadalkan ka soo yeeray Xasan Sheikh Maxamuud ayaa u muuqda mid uu ku garab siinayo Maamulka la baxay khaatumo ee Taleex laga soo eryaday.

Somaliland ayaa arrintan u aragta mid ka hor imanaysa madaxbanaanideedda iyo qadiyada ay la leedahay Gobollada ku yaala xuduudka ay la wadaagto Puntland ee muranku ka jiro.

Ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay dawladda Axmed Siilaanyo, hase ahaatee saraakiil sarsare oo xukuuamdda ka tirsan oo Gobanimonews la hadlay ayaa  arrintan ku tilmaamay deel-qaaf siyaasaddeed.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post