Home.Warka

Kenya oo celisay qaxooti kale oo Soomaali ah.

Like Tweet Pin it Share Share Email

Masaafuris

Dowladda Kenya ayaa mar kale dalkeeda maanta ka masaafurisay 92 qof oo Soomaali ah, kuwaas oo lagu qab-qabtay howlgallada dhinaca ammaanka ee ka socda Nairobi.

Taliyaha socdaalka iyo jinsiyadaha dowladda Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Gaafow Maxamuud ayaa sheegay in dadka la celiyay ay si sharci darro ah ku joogeen dalka Kenya.

Jeneraal Gaafow ayaa sheegay inay dowladda Kenya xaq u leedahay ilaalinta ammaanka dalkeeda iyo dadkeeda.

Wuxuu sheegay inay si wanaagsan u soo dhoweynayaan dadka Soomaalida ah ee dalkooda lagu soo celiyay, isagoo intaas raaciyay in kuwa ka soo jeeda gobollada la geyn doono deegaannadooda.

Qaar ka tirsan dadka la celiyay ayaa warbaahinta u sheegay inay la kulmeen dhibaatooyin badan muddadii ay ku jireen xabsiyada dalka Kenya, waxayna sheegeen inay ku faraxsan yihiin tegitaankooda Muqdisho.

Waxaa wali garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta ee Nairobi ku xiran in ka badan 100 qof oo kale oo sugaya in loo masaafuriyo Muqdisho.

Waa qeybtii labaad oo Soomaali ah oo dowladda Kenya ay u masaafurisay Soomaaliya tan iyo markii horraantii bishan uu magaalada Nairobi ka billowday howlgalka dowladda Kenya ay ku sheegtay inay ku xoojineyso ammaankeeda.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *