Nicholas Kay: Dowladda si buuxda ha u baarto dilka xildhibaanka.

Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay ayaa dowladda federal-ka ah ugu baaqay inay si buuxda u baarto dilka xildhibaan Isaaq Maxamed Riino.

Qarax lagu xiray gaarigii uu saarnaa ayuu xildhibaanka saaka ugu geeriyooday magaalada Muqdisho, xilli uu ka soo baxay xarunta Hormuud ee degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.

Nicholas Kay ayaa dowladda ugu yeeray inay caddaaladda hor keento dadkii ka dambeeyay dilka xildhibaanka.

Labo qof oo rayid ah ayaa ku dhaawacmay weerarka lagu qaarajiyay marxuumka.

Ergayga ayaa tacsi u diray ehellada, qoyska iyo saaxiibbada xildhibaanka, wuxuuna caafimaad dhaqso leh u rajeeyay dadka ku dhaawacmay.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post