Home.Warka

Xildhibaan Muqdisho lagu dilay.

Like Tweet Pin it Share Share Email

Xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya oo lagu magacaabi jiray Isaaq Maxamed Cali (Riino) ayaa lagu dilay qarax lala beegsaday gaarigiisa xilli uu ka soo baxay xarunta Hormuud ee degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa waxaa ku dhaawacmay xildhibaan Maxamuud Cali Dhuux, oo isguna ka mid ah mudaneyaasha baarlamaanka.

Waxaa sidoo kale dhaawacnatay labo qof oo rayid ah oo ka ag dhowaa halka uu qaraxa ka dhacay.

Ciidamo ka tirsan booliska iyo nabad-sugidda qaranka ayaa gaaray goobta, halkaas oo ay ka sameeyeen baaritaanno la xiriira dhacdada.

Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyay geerida marxuum Isaaq Maxamed Cali, isagoo caafimaad u rajeeyay xildhibaanka uu dhaawaca soo gaaray.

Madaxweynaha ayaa sheegay in kooxaha argagixisada ah aanay ku guulaysan doonin ujeeddadooda. Wuxuu xusay inay kooxahaas awooddooda ku soo koobantay in ay argagax geliyaan shacabka.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *